Rabshado dad ay kudhinteen oo ka dhacay dalka Zimbabwe kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii madaxtinimada

Date:

Muqdisho 2da August 2018 (SNTV):-Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay bannaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay caasimadda waddanka Zimbabwe Harare, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii madaxweynaha dalkaas oo Isniintii loo dareeray.

Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dad ka soo horjeeda natiijada doorashada oo muujineysa xisbiga ZANU-PF in ay ku guuleysteen.

Goobjoogayaal ayaa Al Jazeera u sheegay Isbaheysiga mucaaradka ee Dhaqdhaqaaqa isbeddelka Dimuqraadiyadda ee (MDC) ay diidan yihiin natiijada doorashada ee sheegaysa in ay ku guuleystayn xisbiga talada haya ee Zanu PF.

“Maanta waxaan aragnay hubka gantaalaha iyo gaadidka dagaalka kuwaasoo la soo dhigay wadooyinka caasimadda Harare ciidamada rasaas ayey ku fureen” ayuu yiri afhayeenka MDC Nkululeko Sibanda , waxa uu sii raaciyey in ay cambaareeneynaa ficilada ciidamada ay sameenayaan.

Bannaabaxyada Arbacaddii billlowday ayaa yimid kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay shegeen in codadkii kuraasta barlamaanka ee la tiriyay uu ku horreeyo xisbiga talada haya ee ZANU-PF, waxaase illaa iyo haatan aanan lagu dhawaaqin natiijada madaxtinimada.

Zanu-PF oo awoodda dalkan hayey tan iyo sannadkii 1980-kii, ayaa ku  guulaystay 145 kursi oo ka tirsan baarlamaankii 210-kursi, halka MDC ay heleen 60 kursi.

Kumannaan goob joogayaal caalami ah ayaa goob jog u ahaa doorashada Zimbabawe, waxaana ay noqoneysaa doorashadii ugu horeesay ee ka dhacda dalka Zimbabwe ee uusan ka qeyb gelin madadxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe.

Loollanka ugu weyn doorashada Zimbabwe ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu u dhaxeyn doonto madaxweynaha imika talada haya ee Emerson Manangagwa oo matala xisbiga talada haya ee Zanu PF, da’diisu na ay tahay oo 75 jir iyo Nelson Chamisa oo ah ninka hoggaamiyo xisbiga mucaaradka ee MDC oo 40 jir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...