Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo kormeerey wasaaradda caafimaadka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed.
“Kormeer shaqo ayaan maanta ku tegay wasaaradda caafimaadka, waxa aan la kulmay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda, waxa aan indhaheyga kusoo arkay hawsha wanaagsan ee ka socota”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.

“Kormeerkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagula soconayo gudashada xilka iyo waajibaadka saaran wasiirrada. Waxa aan u hambalyaynayaa wasiirrada sida wanaagsan ee ay u shaqeynayaan waxa aan leeyahay halkaas kasii wada kormeerraduna waa sii socon doonaan”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...