Muqdisho (SNTV):-Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.
Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Raโiisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed.
โKormeer shaqo ayaan maanta ku tegay wasaaradda caafimaadka, waxa aan la kulmay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda, waxa aan indhaheyga kusoo arkay hawsha wanaagsan ee ka socotaโ, ayuu yiri Raโiisul Wasaare ku-xigeenka dalku.
โKormeerkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagula soconayo gudashada xilka iyo waajibaadka saaran wasiirrada. Waxa aan u hambalyaynayaa wasiirrada sida wanaagsan ee ay u shaqeynayaan waxa aan leeyahay halkaas kasii wada kormeerraduna waa sii socon doonaanโ, ayuu hadalkiisa raaciyay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).
Kormeerka ayaa qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo heyโadaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hayโadaha dawladda u yaalla.

