Ra’iisal wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Qardho

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa qayb ka ah xubno ka tirsan xukuumadda, madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa hadal u jeediyey boqolaal ka mid ah shacabka ku soo dhaweeyey xarunta dhaqanka Puntland ee magaalada Qardho, waxaana uu ku bogaadiyey sida ay uga muuqato dawlad jacaylka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono Isimada iyo waxgaradka magaalada oo ay ka wada hadli doonaan geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya inay kaalintooda ka qaataan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...