Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha

Date:

Muqdisho(SNTV):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa  kulan kula qaatay gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka ee Qaranka.

Gudoomiyaha Gudigga madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Mohamed ayaa waxaa uu guddoomiyaha Barlamaanka ugu warbixiyay howlaha U qabsoomay gudigga mudada ay jireen.

Sidoo kale, mudane Khaliif Cabfikariin Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyay howlaha ay rabaan in ay ka qabtaan arrimaha Xuduudaha iyo Federaalka maadaama ay hadda meel wanaagsan marayaan Shaqooyinkaasi.

Dhanka kale, gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Gudiga u balan qaaday wada shaqeyn joogta ah in ay yeelan doonaan Xafiisyada Barlamaanka iyo Kan gudiga Xuduudaha .Waxaan uu Ku dhiira galiyay in ay dardar galiyaan howlaha dhameystirka ah uga Baahan gudigga Xuduudaha iyo Federaalka

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay Xoojiyaan Sidoo kalena ku dadaalaan gudiga waajibaadkoosa qaran ee loo igmaday isla markaana la soo wadaagaan warbixinadooda gudiyadda Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...