Boqorka Sacuudiga oo kafaala qaaday Kharashka 1500 oo Xujeey ah

Date:

Bqorka Dalka Sacuudi Carabiya, ahna u adeegaha Labada Xaram ee shariifka ah, Boqor Salman Bin C/Casiis, ayaa soo saaray ammar Boqortooyo oo Sanadkan 1439 Hijriyada Islaamka uu  ku martigelinayo isla maarkaana ku kafaala qaadayo kharashka Xaajka 1500 Xaji oo ka mid ah  shuhaddada Ciidamada Qaranka Yeman iyo kuwa  Dalka Sudan ee ka qeyb qaadanaya dagaalka rajo soo celinta Yeman .

Wasiirka arrimaha Islaamka ,Dacwada iyo hanuuninta, isla maarkana ah mas’uulka arrimaha martigelinta Xajka ee Sanaadkan Dr. Abdulladiif bin C/casiis  ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga uu il gaar ah ku eegay shuhudadaasi Yeman iyo Sudan oo uu sheegay inay Naftooda u hureen midnimada Dalka Yeman iyo nabadgelyada Shacabka Dalkaasi ,sidaa darteedna ay mudan yihiin in lagu abaalmariyo  Xafka Sanadkan.

Wuxuuna cadeeyay inay Wasaaraddiisu u taagan tahay  fulinta awaamiirta Boqorka , habsami u fulinta barnaamijka Xajka ee Sakandan iyo sidii Xujeyda ay u heli lahaayeen wax kasta oo u suurta gelinaya gudashada Xajkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...