Arday u fariisatay Imtixaan ay kaga mid noqonayaan Ciidamada Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), 450 dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo codsaday inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka, kadib markii Taliska Ciidanka Difaaca dalka uu soo bandhigay Fursado shaqo, ayaa maanta u fariistay imtixanaadka Sargaal iyo Sargaal xiggeeno, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka ee TurkSom.

Goobta Imtixaanaadka lagu qaadayey, ayaa waxaa  goob joog ka ahaaa gudigga imtixaanadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Turkey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali Jaamac Xuseen oo ay wehliyaan,  ayaa maanta kormeeray xarunta dugsiga tababarka ee TurkSom oo ay ka socotay qaadista imtixanaadka Sargaal  iyo sargaal xigeenada ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka.

Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mid mid u xog wareestay Ardeydii galeysay imtixaanaadka, isaggoona weydiiyay sida ay u arkaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Ciidamada dawladda Turkiga ee gacanta ku hayo Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom, ayaa  waxay Taliyaha Ciidanka Xoogga u faah faahiyeen qaabka loo kala xulay Ardeydaasi,  waxaana Taliyaha Saraakiisha qaadeyso imtixanaadka uu ka dalbaday in ay ku shaqeyaan si cadaalad ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,  ayaa dawladda Turkiga ugu mahad celiyay kaalinta muuqato ay ka qaadanayaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...