Arday u fariisatay Imtixaan ay kaga mid noqonayaan Ciidamada Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), 450 dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo codsaday inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka, kadib markii Taliska Ciidanka Difaaca dalka uu soo bandhigay Fursado shaqo, ayaa maanta u fariistay imtixanaadka Sargaal iyo Sargaal xiggeeno, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka ee TurkSom.

Goobta Imtixaanaadka lagu qaadayey, ayaa waxaa  goob joog ka ahaaa gudigga imtixaanadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Turkey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali Jaamac Xuseen oo ay wehliyaan,  ayaa maanta kormeeray xarunta dugsiga tababarka ee TurkSom oo ay ka socotay qaadista imtixanaadka Sargaal  iyo sargaal xigeenada ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka.

Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mid mid u xog wareestay Ardeydii galeysay imtixaanaadka, isaggoona weydiiyay sida ay u arkaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Ciidamada dawladda Turkiga ee gacanta ku hayo Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom, ayaa  waxay Taliyaha Ciidanka Xoogga u faah faahiyeen qaabka loo kala xulay Ardeydaasi,  waxaana Taliyaha Saraakiisha qaadeyso imtixanaadka uu ka dalbaday in ay ku shaqeyaan si cadaalad ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,  ayaa dawladda Turkiga ugu mahad celiyay kaalinta muuqato ay ka qaadanayaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...