Ra’isalwasaare kuxigeenka dalka : Dowlada Waxaa ka Go’an baabi’inta Gudniinka Fircooniga ah

Date:

Muqdisho (SNTV)  Waxaa maanta magaalada muqdisho lagusoo gabagabeeyey Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa ka hortagga iyo suulinta gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay ifrax axmed oo ah gabar u ololeysay xuquuqda aadanaha gaar ahaanna ka hortagga gudniinka fircooniga ayna maalinayeen hay’ado badan oo ay wada shaqeyn la leedahay ayaa waxaa ka qeybgalayey inkudhow 100 qof oo kala socday bulshada qeybaheeda kala duwaan, sida culimaa’udiin, waxgarad, haween, dhalinyaro,  saxafiyiin iyo dad u ololeeyo dumarka, qaarkoodna ay yimaadeen gobolada dalka,

mudada shirka uu socday oo aheyd  shan bari waxaa looga doodayey dhibaatada gudniinka fircooniga ah, waxyeelada iyo dhibaatada uu ku keeno gabdhaha, diinta islaamku waxa ay ka qabto, iyadoo la isku raacay  sidii siwada jir looga hortagi lahaa gudniinka fircooniga.

Ifraax Axmed oo ah gabadha soo qabanqaabisay shirka ayaa sheegtay in ujeedada ay usoo qabanqaabisay shirka ay tahay sidii wacyigalin looga sameyn lahaa dhibaatada uu gabdhaha kuhayo gudniinka fircooniga, waxayna ugu baaqday madaxda qaranka inay arintaas garab istaagaan,

Xaaji Maxamed qeyrow oo ah xogyaha joogtada ee wasaarada diinta iyo awqaafta ee dawlada somalia ayaa isna sheegay mudooyinkan ay wasaaradu waday shirar iyo kulamo arinsanayey gudniinka gabdhaha, go’aanno ay isla gaareen iyaga iyo culimada soomaaliyeed in gudniinka fircooniga uu mabnuuc kayahay dalka, hadda kadibna lagu dhaqmayo gudniinka sunniga ah.

waxaa sidoo kale isna gabagabada shirka ka hadlay xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ee parlamaanka somalia oo sheegay in loo baahanyhay in masuuliyad la iska saaro sidii dadkeenna looga waxyigalin lahaa dhibaatada gudniinka gabdhaha, wuxuuna intaas kudaray inay muhiim tahya in si tartiib loo suuliyo gudniinka gabdhaha,

Dr Axmed Cali daahir oo ah xeer ilaaliyaha qaranka, ayaa isna sheegay in dhibaatada gudniinka fircooniga ay aad u badantahay sidaas darteedna uu ugu baaqayo culimada diinta inay door muuqda ka qaataan sidii bulshada looga baab’in lahaa falkan foosha xun.

Dr daahir wuxuu kaloo sheegay in kiiska gabadhi dhawaan gudniinka fircooniga ugu geeriyootay degmada dhuusamareeb laga furay gal baaris ah, ayna rajeynayaan in maxkamad lasoo taago cidii kadambeysa arintaas, si bulshada kale ay farriin ugu noqoto loona ogaado in dowlada federaalka ah ee somalia aysan ka raali ka aheyn arintan.

ugu dmabeyntii waxaa shirka soo gabagabeeyey ra’isalwasaare kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) waxana uu sheegay in gudniinka fircooniga uu dhibaato maskaxeed iyo maskaxeed iyo mid caafimaadba kuleeyahay gabdhaha, waxana  eedda arinta uu  kusheegay inay tahay gaabis laga gaabiyey taasoo keentay in wili uu sii jiro gudniinka.

Mudane Khadar ayaa sheegay in gudniin fircooniga uu aad ugu badanyahay deegaanada miyiga ee fog, loona baahanayhay in la ballaarinayo dadaalada wacyigalinta ee socda.

wuxuu kaloo sheegay in dowlada federaalka ee somalia ay ka go’antahay baabi’inta Gudniinka fircooniga ah, sidoo kale ay  dadjineyso sharciyada iyo siyaasadaha ka hortagga faldambiyeedkan, iyo sidii loo  ciqaabi lahaa  cidii kukacda.wuxuuna culimada ku booriyey inay wacyigalin badan sameeyaan,

gabagabadi shirka ayaa lagasoo saaray warmuriyeed dhawr qodob ka kooban oo ay siwadajir ah usoo saareen ka qeybgalayaasha shirka kuwaasoo dhammaantood qeexayey in la joojiyo gudniinka fircooniga ah.

Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Afrika oo soomaaliyana ay  kujirto, waxaana inkastoo ay wali socoto wacyigalin la xiriira arinta haddana aan wali la suulin caadadaas oo dad badan wili ay aaminsanyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...