Qadar oo Beesha Caalamka ugu baaqday in si Wadajir ah loo taageero Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTVN);-Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi,oo magaalada Brussels kaga qeyb galay shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (International Partnership Forum on Somalia),ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in la kordhiyo lana joogteeyo taageerada la siinayo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa ka dalbaday Beesha caalamka iney ku soo biiraan dadaalka wadajirka ah ee lagu doonayo in xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira Soomaliya si loo joogteeyo Qaranimada loona gaaro dib u heshiisiin Qaran,wuxuuna qiray in Horumar dhinacyo badan ah laga gaaray dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha iyo waliba adeegyada asaasiga ah ee Bulshada u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay Sultan bin Saad al-Muraikhi,in Dowladda Qadar balan qaadeyso in Soomaaliya taageero buuxda ka siineyso dagaalka ka dhanka Kooxda Argagixisada,islamarkaana ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Mr. Sultan bin Saad al-Muraikhi,ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si meesha looga saaro kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa cadeeyay in caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya ku koobneyn kaliya Ammaanka,dhaqaalaha,Arrimaha Bulshada,Hay’adaha iyo Amniga gudaha balse ay jiraan masiibooyin dabiici ah oo ay ugu horeyso Abaarta oo guud ahaan dalka saameysay.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Qadar markasta u taagan tahay iney Dowladda ka taageerto arrimahaasi iyo goobaha kale ay saameynta ku yeelato,isagoona beesha caalamka ka dalbaday in si wadajir ah looga garab istaago Somaaliya,Nabad galyada,Horumarka iyo Xuquuqda aadanaha.

Magaalada Brussels waxaa maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay shirka caalamiga ah ee diiradda lagu saarayay arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowladda Federaalka,Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo waliba xubno matalayay Beesha caalamka,waxaana la iskula afgartay shirkaasi in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...