Shirkada Apple Stories oo laga hirgaliyay Muqdisho

Date:

Munaasabdan lagu daahfurayay xarunta cusub ee baxin doonta adeegyada kala duwan ee shirkadda apple stories ee laga hergaliayay Magaalada Muqdisho,Waxaana ka qeybgalay Wasiir ku_xigeenka Wasaarada Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.Xildhibaano,Diplomcyiin,iyo ganacsato.

Xasan Cusmaan oo ah Maamulaha xarunta cusub ee iibin doonta wax soo saarka kala duwan ee shirka apple ayaa sheegay in furitaanka xarunta ay ku imaaday qiimeyn dheer iyo sidii ay u dabooli lahaayn adeegyada shacabka soomaaliyeed ee shirkadan apple ay kaga soo iibsan jireen wadamada dariska iyo kuwa fog.

Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Benaadir  ayaa sheegay in maamul ahaan ay soo dhaweenayaa ganacsatada noocan oo kale ee dalka maalgashanayo.

Wasiir Cabdiraxmaan Iiidan Yoonis Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Soomaaliya ayaa sheegay in ka wadaaradan ahaan  ay bogaadiyeen talaabadan wayn.

Talaabadan ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay xaga tiknoolijiyada ay ka horeyso qaar ka  mid ah dalalka geeska Africa waxaana shirkadan apple oo ka mid ah Shirkadan ugu waa wayn caalamka ayaa la furay   1 April 1976 Apple waxaa ay ka howlshaa dalalka South Africa,UE. Shiinaha iyo Marareykan oo xarunteeda ugu wayn ku taalo shirkada apple.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...