Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Brussels(SNTV) :โ€“Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay โ€œSiyaasadda loo dhan yahay ee dalkaโ€ oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha biniโ€™aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland; Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland; Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed; Mudane Shariif Xasan Sheekh Axmed, Galmudug; Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle; Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, khubaro iyo ganacsto Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa shirka qeyb ka ahaa madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...