Eriterea oo Safaaradeedii Dib Uga furatay Adis ababa “Sawirro”

Date:

Muqdishu (SNTV) Dowlada Ereterea ayaa dib uga furatay Safaaradeedi Magaaladaย  Adiss Ababa ee Dalka Ethiopia Maanta oo isniin ah, Arintaasoo Kadambeysay Wadahadalo iyo heshiisyo Dhawaan labada dhinac ay wada gaareen.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Safaarada Eriterea ย ee Magaalada Adiss Ababa, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiya Axmed, iyo Madaxweynaha Dalka Eriterea Isais Afwerki iyagoo si wadajir u furay Safaaradda.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la arkayay isagoo furaha safaarada ku wareejinaya Madaxweyne Isais Afwerki.

Hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah uwada saareen ย calanka Eritrea gudaha safaarada iyada oo koox askar ah ay ku ciyaareen heesta calanka ee ย Eritrea, Kadibna mas’uuliyiinta ayaa waxay kusoo wareegeen dhismaha ay kutaallo Safaarada.

Maalintii Shalay waxay hogaamiyaasha ka qeybgaleen Munaasabad loogu dabaaldagayey Nabada labadaย  Dal, taasoo Kummaan kun oo qof ay ugu dabaal dageen caasimada Ethiopia Ee Adiss Ababa.

Hadallo kooban oo ay mas’uuliyiinta ka jeediyeen munaasabada ayaa waxa ay ku sheegeen in uu dhammaaday Naceybki iyo faquuqii loona baahanyahay in wixii hore la iska cafiyo, lana furo bog cusub.

Dib u furashada safaarada Eriterea ee Magaalada Adiss Ababa ayaa timid kadib wadahadalo iyo heshiisyo iskaashi ooย  dhowaan ayย  wada gaareenย  labada hogaamiye, taasoo keeni karta isfaham iyo is-dhaxgal soona Afjareysa Colaaddii dhowr iyo labaatan sanno udhaxeysay labada dhinac.

kummaan kun oo qof ayaa inta la ogyahay kudhintay dagaal xagga soohdinta ah oo socday sanado badan kaasi oo ka bilowday lahaanshaha magaalada Badama oo ay haatan Ethiopia u aqoonsatay in ay leedahahay Eritrea.

Heshiiska labada dal ayaa waxaa ka faa’idi doona guud ahaan gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Eritrea ayaa taageero siin jirtay kooxaha nabad diidka halka Ethiopia ay qayb ka ahayd taageerada dowladda Soomaaliya.

SNTV/Aamina Ladan Axmed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey...