Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Date:

Ankara (SNTV)- Madaxda Turkiga ayaa  cambaareeyay weerarkii argaixiso ee maalinimadii shalay kooxo hubeysan oo naftood halligayaal ah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkiga,ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaasi ay si xoogan u cambaareyneyso falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimadda  Muqdisho,kaas oo ay ku dhinteen dhowr qof.

Warsaxaafadeedkaan,ayaa lagu muujiyay in dowaladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada iyo dadaalka walaaltinimo ee ay la garab-taagan yihiin dadka Soomaaliyeed tan iyo inta xukuumadda Federaalka  ay ka so celineyso nidaamka iyo kala dambeynta.

Ciidamada dowladda ayaa fashiliyay Weerarkii argagixiso ee ay soo maleegeen kooxaha nabad-diidka ah.waxaana  ku dhintay dhagarqabayaashii soo abaabulay falkaasi,halka la tilmaamay in uu jiro dhaawac fudud oo soo gaaay dad rayid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...