Guddoomiyaha degmada Xudur oo kormeeray Mashaariic ka socda degmadaasi

Date:

Xudur(SNTV);– Kormeerkaan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Degmada Xuddur ayaa goobaha ay booqdeen waxa ka mid ah laba xarumood oo loogu talagaley in adeeg caafimaad loogu bixiyo Hooyaha iyo Dhalaanka, Ceel biyood cusub oo laga lqodayo dhuul ay bixiyeen maamulka degmada iyo dugsigii sare ee Gobolka Bakool oo dayactir lagu sameynayo, kaa oo dayactir aan helin tan iyo burburkii Dowladii Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Mocallim ayaa intii uu kormeerka ku jirey waxa uu xog-wareysi la yeeshey holwadeenada Mashaariicdan fulinaya.

Guddoomiyaha ayaa markii uu kormeerkiisa soo gabagabeeyey waxa uu lahadlay warbaahinta, wuxuna u mahadceliyey dhammaan Hay’adaha mashaariicda ka fuliyana gudaha degmada xuddur, Guddoomiye Maxamed Mocallim ayaasheegay in maamulkiisa si shuruud la’aan ah ula shaqeynayo hay’adaha samafalka, wuxuuna intaasi ku darey in ay balan qaadayaan ammaanka cid walbo oo deegaankaan horumarkiisa wax ka qabanayso.

Tan iyo bilowgii sanada 2018 ka magaalada xuddur waxa ay ku tilaabsanaysaa mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey iyo kuwa haatanba ka socda waxana gundhig u ah amaanka magaalada oo ah mid la isku haleynkaro, waxana haatan degmada dib ugu bilaabanayaa magaalada dhalinyaro oo maalgashi sameyneyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...