Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir uu uga qeybgalay dalka Maroco isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi oo ahaa mid looga hadlayay horumarinta maamulka iyo dib u dhiska,tayaynta shaqalaaha iyo qodobo kale uu guul ku soo dhamaaday,isagoo xusay in shirkan sanad leh ah oo kiisi 54-aad oo ah madal ay ku midaysan yihiin wadamada Afrika,ay ku soo balanqaadeen in Soomaaliya ay bixindoonto qaaraan sanadeedka dalkasta oo xubin ka ah laga rabo,maadaama Soomaaliya muddadii uu dalka burbursanaa aanay qeyb ka ahayn.

“waxaan rabaa in aan faah faahiyo safar muhiim ah oo aan ku tagnay dalka Maroco,halkasi oo aan uga qeybgalnay shir looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin maamulka howlaha guud,tayaynta shaqaalah,shirkaasi waxaan ku soo bandhignay halka ay Soomaaliya mareyso,runtii waa nalaku ammaanay dal ahaan iyo wasaarad ahaanba,waxaan la kulanay madaxda wasaaradaha aan wadashaqeynta naga dhexeysa,waxaan soo kala saxiixanay heshiis wada shaqeyn oo ah in aan iska kaashano dhinacyo badan sida dib u dhiska”. Ayuu yiri Wasiir Geesey.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay waxbadan ka faaidi doonto heshiisyada ay la soo saxiixdeen madaxda dalkaasi iyo kuwo kale caalami ah,iyo sidoo kale ka qeybgalka shirkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...