Madaxweyne Farmaajo oo faray Barlamaanka Soomaaliya in ay kaalintooda sharci ka qaataan hirgelinta Hay’adda Qaran ee Naafada

Date:

Muqdisho, 30ka Juunyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal badan geliyaan meel marintiisa.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay. Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen argagixisada Al Shabaab.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta dadka naafada ah.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan dalladaha naafada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...