Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah

Date:

Muqdisho (SONNA), Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Aadan Isxaaq, oo ka warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in sharciga hey’adaha dadka naafada ah ee golahu ansixiyay uu caddeynnayo xuquuqda ay leeyihiin iyo daryeelka ay u baahanyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gololaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga dalka oo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay sida howsha u wadaan guddiga uu madaxda uu u yahay ee loo xil saaray Xuska sanad-guurada 58-aad ee Todobaadka Xorriyadda.

Ugu danbeyn golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadeed ee sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...