Guddoomiye Eng. Yarisow “Isboortigu wuxuu kaalin fiican ka qaataa Naabdda iyo isdhexgalka Bulshada”

Date:

Muqdisho(SNTV)–  Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb kulan ciyaareed qeyb ka ah barnaamijka isdhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen labo kooxood oo ka dhisan degmada Waaberi ayaa sheegay in Isboortigu uu kaalin wanaagsan ka qaato isdhexgalka iyo Nabadda bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saarayo hagaajinta nolasha dhalinyarada iyadoo loo marayo ciyaaraha, waxuna xusay in degmooyinka laga sameeyey barnaamijyo isdhexgal bulsho, si loo muujiyo awoodda mideysan iyo hormarka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka sameeyaan ciyaaraha.

“Isboortigu wuxuu kaalin wanaagsan ka qaataa nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ka maamul ahaanna waxaan aamin sannahay in ciyaaruhu naga caawin karaan in Muqdisho ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay barisamaadkii, tanoo ah fursaddii ay dhalinyaradeenu uga qeyb qaadan lahayeen xasilloonida iyo amaanka dalka, khaasatan amaanka magaalada oo muhiim u ah daganaanshaha guud ee dalkeenna.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo la hadlayay dhalinyaro tiro badan oo isugu soo baxay daawashada ciyaarta.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhammaadka ciyaarta labada kooxood ee ku kala ciyaarayay magac xaafadeedyada Sargaduud iyo Baar-ha-idhaafin guddoon siiyey koob kooxdii guushu raacday ee Sargaduud, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka degmada Waaberi muhiimadda ay siinayaan Isboortiga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Caasimadda ka wada barnaamijyo bulshada la isagu soo dhaweynayo si ay iskaga kaashadaan hourmarinta nabada amniga iyo dhexgalka bulshada, iyadoo ujeedku yahay in la helo bulsho isku xiran oo ka shaqaynaya horumarinta dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...