Deg-deg: K/Suudaan oo heshiis xabad joojin iyo maxaabiista lasii daayo gaaray ‘Sawirro’ Updated: 27, 2018 04:27 PM

Date:

Muqdishu (SNTV) Dhinacyada iska soo horjeeda ee Madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan ku saxiixay heshiis nabadeed arbacada maanta ah taasi oo xabad joojinteeda ay dhaqan geli doonto 72-saacadood kadib, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha dibadda Sudan, inkastoo uu afhayeenka jabhadda diiday inuu ka hadlo.

“Dhammaan dhinacyada waxa ay ku heshiiyeen xabad joojin joogto ah muddo 72-saacadood kadib markii dikumentiga heshiiskani ay ku saxiixeen magaalada Khartoum,” Al-Al-Dierdiry Axmed oo ah wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sidaasi kud dhawaaqay kadib wadahadalada dhinacyada oo lagu qabtay caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Wasiirka Arrimaha dibadda Suudaan Al-Dierdiry Axmed ayaa sheegay in qodobada ay dhinacyada K.Suudaan ku heshiiyeen ay kamid yihiin sida ay la furo wadooyinka ay ka gudbaan gargaarka beni’aadannimada, in la sii daayo maxaabiista iyo in la billaabo dhismaha dowlad shaqeynaysa muddo afar billood kadib.

Wareegga cusub ee wadahadalada cusub ayaa maalintii isniintii uga furmay magaalada Khartoum madaxweynaha K/Suudaan Salva Kiir iyo hogaamiyaha Jabhadda Riek Machar, halkaasi oo uu martigeliyay madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashir.

Wadahadalladan hogaamiyeyaasha iska soo horjeeda ee K/Sudaan ayaa horey waxaa u billaabay madaxda bariga Afrika kuwaasi oo ku baaqay in in la dhameeyo waxashnimada dagaalka mudada afarta sano ka socday gudaha Dalka Koonfurta Suudaan oo ah dalka ugu yar ee dunida.

Labada hogaamiye ayaa waxaa soo wajahay baaqyo isa soo tarayay oo uga imaanayay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa kuwaasi oo ugu baaqayay labada hogaamiye in ay wajihi karaan cunoqabateeno imaan kara haddii ay soo afjari waayaan colaadda ka taagan gudaha dalka Koonfurta Suudaan.

Bilowgii bishii December sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii uu dagaal sokeeye ka qarxay dalkan, kaasi oo meesha kasaaray yididiiladii laga inuu sare u kac uu sameeyo wax yar uun kadib markii lagu dhawaaqay madaxbanaanidiisa inuu ka qaatay dalka Suudaan kadib labo sanadood.

Dagaalka ayaa biloowday markii uu madaxweyne Kiir ku eedeeyay Mr Machar oo ahaa ninka isaga ku xigay uu u maleegayay shirqool madaxweynaha, kadibna waxaa xigay dagaalo ay ku dhinteen tobonaano kun oo qof islamarkaana dad lagu qiyaasay afar milyan ay guryahooda ka barakaceen.

W/Diyaariyay Muxamednuur Mucalim Muxamed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...