Warar Dheeraad ah oo ku saabsan geerida horjoogihii Alshabaab

Date:

Warar Is khilaafsan ayaa ka soo baxaya masiirka Hoggaamiyihii kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu  u geeriyooday xanuun bilihii  u dambeeyay ku xoo xoogeysanayay.

Wararku waxay sheegayaan in uu Kansar iyo Kalyo xanuun la ildarnaa muddooyinkii dambe uuna ugu geeriyooday bilowgii toddobaadkan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Alshabaab ayaa beeniyay geerida horjoogahooda, hase yeeshee ma aysan bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu nool yahay.

Axmed Diiriye ayaa hoggaanka kooxdan qabtay ka dib markii bishii May 2014 duqeyn lagu dilay aas’aasihii  iyo milkiilihii kooxda Axmed Godane. Wixii ka dambeeyay dilkii Godane, kooxdu way sii wiiqmeysay, waxaana hareeyay khilaaf dhanka hoggaanka ah.

Axmed Diiriye oo kooxdu ugu yeeraan Abuu Cubeyda, ayaa ahaa nin daciif ah hoggaan ahaan, waxaana ku fallaagoobay qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda oo hadda u kala jabtay dhowr garab uuna ka dhexeeyo loollan dhanka awoodda ah.

Haddii ay dhabowdo geerida Axmed Diiriye,waxaa tani sii kordhineysaa murankii awoodeed ee kooxda ka dhex jiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...