Jabuti oo u dabbaal dagtay 41-sano guurada xorriyadeeda.(Sawirro)

Date:

Munaasabadda Xuska sanad guurada 41aad ee kasoo wareegatay sanadkii 1977dii xiligii walalaha jamhuuriyada jabuuti ay xornimada ka qaateen gumeystihii faransiiska oo subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabatay Barxada Sheekh Cusmaan ee Magaaladda Jabtuuti waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismaacil Cumar ,Madaxda kale ee wadankan iyo saraakiisha Ciidanka dalkan. Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkan jabuuti ayaa sidoo kale ka qeyb galay dabaal dega xornnimada jabuuti. Sidoo kale shacabka reer jabuuti ayaa isugu soo baxay goobta dabaal degan uu ka dhacayay ,waxaana isla goobta lagu saaray Calanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Maadaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geele ayaa isaga oo saaaran gaari kor ka furan waxa uu salaan ka qaatay Ciidanka Dalkan Jabuuti. Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dalkan Jabuuti oo socod gaardis ah ku maray Madaxda munaasbada joogtay hortooda ayaa intaasi ka dib waxaa goobta lagu soo bandhigay walaalaha jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku jiraan Ciidan,gawaarida gaashaan ,hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaarado.

Intaasi ka dib shacabka reer jabuuti aya isugu soo baxay Madaxtoyada dalkan jabuuti waxana halkaasi kula hadlay Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ,waxaana uu ugu hambaleeyay 41sano guuradii kazoo wareegatay markii xornimada qaateen,isagoo sheegay in qofka walba looga baahanyahay in dhankiisa uu dalka ugu hiiliyo lana xuso halyeeyadii dalkan gaarsiiyay xornimada uu manta u dabaal degaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa inta uu la hadlayay shacabkiisa waxa uu ka hadlay arimaha soomaaliya,isagoo sheegay in Soomaaliya colaado sokeeyo oo ay soo martay ka dib manta ay sameysay horumar ku dayasho mudan islamarkaana shacabka labada wadan ay yihiin walaalo aan marnaba kala maarmin jabuutina ay dadaal walba ku bixineyso horumarka dowladnimo ee Soomaaliya,wuxuuna caalamka ugu baaqay in uu Soomaaliya ka taageero sidii ay u horumari laheyd.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cbadiraxmaan ayaa xusay in xoriyadda Jabuti maanta u dabaal dagayso ay farxad galinayso Soomaaliya, islamarkaana ay samaysay horumar balaaran muddo 41-sano ah oo wax laga baran karo.

Ibraahim Guudle, Djibuti

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...