Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Date:

Madaxwaynaha JFS ayaa hambalyo u diray dawladda Jabuti iyo shacabkeeda, taas oo ku aadan xoriyadda dalkaas oo maanta 41-sano jirsatay.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxwaynaha JFS ayaa xusay in xiriir walaaltinimo oo qoto dheer inuu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuti, kaas oo aan sin aba loo hilmaami Karin.

Jabuti waxa ay ka xorayday gumaystihii Ingiriiska 1977-dii, waxaana Soomaaliya oo xoriyadda kaga horaysay ay kaalin wayn ku lahayd dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ee dalkaas ka socday.

Mudadii burburka Jabuti dhinaceeda waxa ay door wayn ka qaadatay dawlad dhisidda Somaaliya, waxaana ay wali qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...