Ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo arrimo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”.

Shirkaasi, ayaa waxaa lagu Casuumay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka mid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay, kadib markii la arkay dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta dalka.

Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka  Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Hawlaha adag ee ay hayaan, iyaggoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday inuu yahay Booliska ugu wanaagsan ee Afrika markii laga fiiriyey dhinacyo badan, sida uu sheegay S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale xusay  in shirkaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay uu uga warbixiyey sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Caqabadaha horyaalo ee loo baahan yahay in Xal loo helo.

“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska u wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan, Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...