Horjoogihii Al-shabaab oo la sheegay in uu geeriyoodey

Date:

Horjoogihii Al-shabaab Axmed Diiriye ayaa la sheegay in uu geeriyoodey kaddib markii uu soo baxay war aan la xaqiijin oo sheegaya dhimasha Abuu Cubeyda.

Warbaahinta Qaranka ayaa weli howlan baaritaannada ku aaddan xaqiijinta geerida Axmed Diiriye ee maalintii Isniinta 25-kii Juune aheyd.

Deegaanka ama degmada uu ku geeriyoodey Axmed Diiriye ayaa lagu sheegay keliyah  Koonfurta Soomaaliya in ay ku taallo laakiin lama far muuqin halka ay tahay.

Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ayaa noo sheegay in warkaas uu jiro.

Axmed Diiriye ayaa horey loo xaqiijiyey in uu  muddo la xanuunsanayey Karsar uga dhacay Caloosha iyo Keliyaha, waxaana markii ugu horreysay macluumaadkaas baahisay warbaahinta Qaranka, Al-shabaab ayaa ka gaabsadey  ka hadalka xannuunkii Axmed Diiriye.

Xogaha qaar waxa ay sheegayaan in arrintaan ay noqon karto dacaayad ay qeyb ka yihiin horjoogeyaasha qaar oo doonaya in ay hoggaanka u qabtaan Al-shabaab macmadaa uu xanuusanaa Axmed Diiriye lagana deyrinayey xaaladdiisa.

Ma jiro war cad oo ka soo baxay Al-shabaab oo lagu xaqiijinayo geerida  Hoggaamiyahoodii.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...