hawlgalka Haddiyadda Xorriyadda oo lagu laayey Ajaanib ka tirsan Al-shabaab.

Date:

hawl qorshaysan oo Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka fuliyeen Magaalada Jilib ayaa lagu dilay in ka badan 30, Ka tirsan Ajaanibta Argagaixisada Alshabaab kaddib markii Ciidammadu ay Ku weeraraan Guri ay Ka daganaayeen Magaalada gudaheeda.

Xogta aan Ka helnay Hay’adaha Amniga Qaranka waxa ay sheegaysaa in inta badan ajaanibtu ay u dhasheen waddamada Kenya iyo Suudaan waxaana lala dilay Tarjubaanno Soomaali ah oo u shaqaynayey.

hawlgalka labaad oo Ciidamada Qaranku Ka fuliyeen isla jilib waxa ay dhaawac culus ugu gaysteen Dhagarqabe horjooge Bashiir Maxamed Maxamuud loo yaqaano (Qoorgaab) kaas oo horay madaxiisa loo dulsaaray Sadex Milyan oo Doolar Mareykanka ah.

Hay’adaha Amnigu waxa ay  Isha Ku hayaan dhaq-dhaqaaqa Maleshiyaada Shabaab gaar ahaan kuwa lagu dhaawacay hawlgalka Jilib oo uu ugu horeeyay Dhagar-qabe qoorgaab.

hawlgalkaan waa Haddiyad ay Ciidamada Amnigu ugu deeqeen Shacabka maalmaha Xorriyadda awgeed,  iyadoo lagu burburiyay Halis argagixisadu lamaaganayd Shacabka Soomaaliyeed ee toddobaadka xorriyadda u dabaal-dagaya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...