Horjooge Bashiir Qoor-gaab oo duqeyn lagu dhaawacay

Date:

Duqeymo geystay khasaare baaxad ah oo Al-shabaab lagula beegsadey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sii ballaariyey kala shaki kooxda dhexdeeda  ka jiray.

Xog ay  heshay Warbaahinta Qaranka ayaa muujineysa in duqeyntaan ay geysteen diyaaradaha wax dila ee aan duuliyaha lahayn xilli wagga uu baryey maanta oo Arbaco ah degmada Jilib.

Duqeymaha ayaa  dhacay laba xilli iyadoo duqeyta koowaad ay ka dhacdey Guriga Martida degmada Jilib ee Al-shabaab oo wakhtigaas ay wada joogeen horjoogeyaal ka shirsan khilaafka kooxda iyo malleeshiyaad tira badan oo xarun ay u aheyd gurigaas.

Dhimashada duqeynta  ayaa la xaqiijiyey in ay gaareyso 19 malleeshiyo oo ay ku jiraan qaar ka mid ah  horjoogeyaashii shirka  fadhiyey, dhaawacuna uu ka badan 20.

Duqeynta labaad ayaa ka dhacdey guri uu deganaa  Horjooge Bashiir Qoor-gaab.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in Bashiir Qoor-jaab uu soo gaaray dhaawac  halis ah duqeynta labaad, isla markaana loola cararay  meel bannaanka ka ah degmada Jilib oo qiyaastii dhowr iyo tobban km jirta.

Malleeshiyada Kooxda ayaa bilowdey in ay diidaan isu socodkii dadweynaha ee degmada Jilib si ay Meesha uga saaraan in la ogaado khasaaraha sii kordhaya ee weerarradii saaka waabarigii lagu qaaday AL-shabaab ka dhashay.

Dhinaca kale waxaa jira walaac ka dhashay wararka laga helayo geeridii Hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaanno Abuu Cubeyda, horjoogeyaasha qaar  oo laga qariyey macluumaadkaas ayaa ka caroodey oo bilaabay in ay shiriyaan ragga ka hoose iyo maleeshiyaad badan si ay tallo ugu yeeshaan ama ay qeyb ka noqdaan hoggaanka cusub ee kooxda Al-shabaab yeelan doonto geerida Axmed Diiriye kaddib.

Horjooge Mahad Karataay ayaa la sheegayaa in uu ololle xooggan ugu jiro sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa hoggaanka kooxda, laakiin Xuseen Fiidoow iyo rag kale oo uu ka mid yahay Cali Dheere waxa ay shaaciyeen in hoggaanka kooxda  si KMG ah u sii heyn doono Xuseen Cali Fiidoow oo ay isku heeb yihiin Cali Dheere, taasna waa midda oo shaac bixisay khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Al-shabaab.

Horjoogeyaasha qaar ayaa ka walaacsan halka ay ku dambeyn doonto xaaladdooda shaqsiyaddeed kaddib markii ay ogaadeen in kala dilasho hoggaanka Malleeshiyada Al-shabaab uu ka dhex socdo kooxda.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...