Ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo arrimo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”.

Shirkaasi, ayaa waxaa lagu Casuumay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka mid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay, kadib markii la arkay dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta dalka.

Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka  Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Hawlaha adag ee ay hayaan, iyaggoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday inuu yahay Booliska ugu wanaagsan ee Afrika markii laga fiiriyey dhinacyo badan, sida uu sheegay S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale xusay  in shirkaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay uu uga warbixiyey sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Caqabadaha horyaalo ee loo baahan yahay in Xal loo helo.

“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska u wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan, Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...