Telefishinka Qaranka Itoobiya oo xaqiijiyey Qarax Addis Ababa ka dhacay

Date:

Qarax geystay khasaare ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow fagaare uu khudbad ka jeedinayey Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ay isugu yimaadeen dad taageersanaa isbaddellada ka socda dalkaasi.

Lama og inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, hasa yeeshee Telefishinka Qaranka dalkaas ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyo iyo dad ku dhintay Qaraxa.

Dowladda Itoobiya ma sheegin ilaa hadda cidda ka dambeysa Qaraxan.

Itoobiya ayaa aad loo hadal hayey maalmahan isbaddello siyaasaddeed  oo ka curtay dalkaas tan iyo markii uu Ra’iisul wasaare ka noqdey Abiy Axmed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....