Taliyaha CXD oo Tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ururka 60-Aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka

Date:

Muqdisho(SNTV):–Taliyaha ciidanka xoogga dalka General C/wali Xuseen jaamac Gorod oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka ururka 60Aad xooggga dalka.

Tababarka loo furay Ciidanka Ururka 60-Aad ee ilaalada Madaxtooyada soomaaliya ayaa  waxa uu socon doonaa Mudo Saddax bilood.

Ugu horeeynti waxaa munaasabada furitaanka tababarka ka hadlay G/dhaxe Odowaa yuusuf Raage oo ah Taliyaha ururka 60Aad ee ilaalada madaxtoyada soomaaliya waxa uuna ciidamada maanta tababarka loo furay ugu baaqay in ay ka faaiideestaan muda uu socdo tababarka iyo waxyaabaha lagu bari doono

“MudaneTaliye waxaa halkaan taagan in ka badan 100 Askari oo ka tirsan ururka 60Aad ee ilaalada Madaxtooyada Qaranka. Ciidamadan waxaa laga rabaa  in ay ka faa’iidestaan tababarka lasiin doono”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General C/wali Xuseen jaamac Gorod oo tababarkan si rasmi ah u furay ayaa Ciidamada kula daar-daarmay in ay ka faa’ideystaan Fursadan ay haleen, islamarkaana ay u hogaansamaan sharaakiisha bixineysa Tababarkan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas C/wali jaamac Xuseen ayaa dhanka kale Ciidamada xoogga dalka ugu digay in xiliyada shaqada lagu guda jiro ay isticmaalaan Muqaadaraadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...