Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Date:

Ohio(SNTV Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isugu jira qabiiro dhinaca beeraha,wasiiro xilal ka soo qabtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya,iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka,kuwaasi oo ka kala yimid goboladda Dalka Mareykanka,Canada, Nairobi iyo meelo kale oo baddan.

Shirkan ayaa ka furmay hollka shirarka ee Jaamacadda The Ohio State Unuversity ee magaalada Columbus,waxaana ujeedku yahay Baadigoobka hannaan lagu bad baadiyo deegaanka iyo sidii loo dhiirogalinlahaa jiilasha cusub ee barta cilmiga deegaanka,xili Soomaaliya jarista Dhirta fatahaadaha wabiyada iyo biya yariduba ay ku soo laalaabteen loona baahanyahay in lagu baraarugo muhiimada deeganka.

Waxa ay intooda baddan aqoon u leeyihiin arrimaha deegaanka waxay wax ku barteen wadamada dibadda, waxayna ka soo shaqeeyeen gudaha Soomaaliya xiliyo kala gedisan,waxa ay u arkaan xiligan in uu yahay xiligii ay Taariikhda qori lahaayeen,iyagana ay qori lahayd, oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal uga tagaan.

Xubanaha shirkan uga furmay Columbus oo gaaraya Boqol iyo shan xubnood (105) waxa ay qireen in Soomaaliya ay tahay wadan leh dhulbeereedka Geeska Africa ugu fiican lakin ay ku xeeranyihiin caqabado hortaagan in horay loo dhigo arimaha beeraha, lakin dhanka kale ay jiran dul baddan oo la beeri karo oo Nabad iyo Maamul ka jiro hadana aan laga faa’iidaysa, waana arimaha keenaya in aan lagu baarurugin ahmiyada Beraha.

Ma jirto dowlad ama urur iskugu yeeray intan oo aqoonayahan ah balse waxa ay isla garteen in tani ay tahay doorkoodii kaga aadanaa dalkooda maadama intooda badan ay wax ku barteen Canshuurtii Dowlada Soomaaliya ay ka qaaday shacabka.

Shirkan oo sadex cisho socon doona waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed sida ay sheegeen wax gal u noqon doona arimaha deegaanka iyo beeraha Soomaaliya gaar ahaan Ardada barata Cilmiga deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlayo arrimaha deegaanka lagu qabtay Columbus,waana shir ahmiyad u yeelan doona dadka xiiseeya arrimaha Beeraha,Deegaanka iyo Cimilada Soomaaliya.

Deeqo Shire (SONNA)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...