Tababar ku saabsanaa wada shaqaynta Booliska iyo Bulshada oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo.

Date:

Baydhabo-(SNTV)-Tababar ku saabsanaa is dhex galka iyo sida ay u wada shaqayn karaan Booliska iyo Dad weynaha ayaa lagu soo gabagabeeyay Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed.

Siminaarkan oo soconayay muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana lagu baranayay casharro ku aaddan sidii ay xidhiidh adag ku yeelan lahaayeen Boliiska iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo abuuri lahaa Booliska Bulshada (Community police) si ay u wada shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo rayidka, taasoo qayb lixaad leh ka geysan karta sugidda nabad gelyada iyo ammaanka Xaafadaha Magaalada.

Joseph Emeka,oo ka tirsan Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa sheegay in aqoon-isweydaarsigan u dhexeeya Booliska iyo Dadka degaanka uu muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta sharciga iyo ka hor tagga falalka liddiga ku ah amniga iyo kala dambaynta Gobollada Dalka.

Mr; Emeka, ayaa intaa raaciyay in Booliska Bulshada uu yahay mid ka jira Waddamada Caalamka, taasoo keeneeysa inuu Dad weynuhu helo amni iyo nabad gelyo buuxda oo lagu kalsoonaan karo.

Qaar ka mid ah Dadkii ka qayb galay ayaa si weyn usoo dhoweeyay tababarkan, iyagoo ballan qaaday inay ku dhaqmi doonaan wixii ay halkaasi ka barteen lana shaqayn doonaan laamaha ammaanka Dalka.

Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Siminaarkan ayaa sheegay inay tallaabadani tahay mid muhiim ah oo isku xireysa Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo Bulshada rayidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...