Raโ€™iisul wasaare Kheyr oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.

Mudane; Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha ย Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaadhay koboca dhaqaalaha Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...