Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

Date:

Kismaayo-(SNTV)-Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka degaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen horjoogihii  Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka G/dhaxe; Cabdi yare oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Sarkaalkan oo  Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay degaan ku dhow Araare.

Horjooge Aruuriyow ayaa u qaabbilsanaa Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab inuu Lacagaha iyo Xoolaha si khasab ah ugu qaado Shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Sidoo kale Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay Saanad Ciidan iyo Hub u badan Qoryaha fudud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...