Shirkii IGAD ee ku Saabsanaa Xaaladaha ka taagan South Sudan oo la soo Gaba-gabeeyay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.

Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...