Madaxweyne Waare oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Date:

Jowhar(SNTV):-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.
“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle waxaan Ugu baaqayaa in Ay Ka digtoonaadaan dagaalada macnaha aan laheyn Oo LA xiriira qabiilka maalin walbo in dhiig loo daadiyo dagaalo qabiil ma ahan mid Ka turjumeysa hiigsiga aan hiigsaneyno, waxaan Ku baaqayaa in LA joojiyo dagaal beeleedyada Ku soo noq noqday deegaanada Hirshabelle” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Dr Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle  Ayaa si gaar ah Ugu  hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee  Ka howlgala Deegaannada Hirshabelle ee  habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale ciidamada dagaalada kula jira kooxda argagaxisada Al shabaab Oo muujinaya geesinimo iyo dhalinyarada deegaanka Oo kooxdaasi kula dagaalamaya, Deegaanno Ka tirsan Hirshabelle ayuu sidoo kale madaxweynaha Dhambaal hambalyo u Diray.
Mudane Waare ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed  Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...