Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Date:

Muqdisho(SNTV):-– Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga).

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxaan idiin rajeynayaa Ciid farxadeed oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Keating ayaa sii raaciyay “Waxaan idinla qaybsanaynaa soo dhoweynta bilashada bisha cusub oo muujinaysa dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan. Waxaan rajaynayaa in barakada Ciidda awogeed ay qoysaska iyo asaxaabtu isku yimaadaan si ay ugu dabaal-degaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee kamidka ah sanadka uu farxad badan u keeni doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, uuna kobcin doono nabadda iyo barwaaqada ee guud ahaan dalka. Ciid Wanaagsan.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...