Madaxweynaha Puntland oo Xarigga Ka Jaray Waddada Wasaaraddaha ee Puntland.

Date:

Garoowe(SNTV):–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga taasi oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii  Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Gobelleedka Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Ugu danbeyn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo  danbe lagu qaban doono, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso inay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax kasugin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...