Kismaayo oo ku biirtay wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka

Date:

 

Muqdisho (SNTV)- Habeenkan caawa ah waxaa ku wada ballansanaa tartan aqooneedka bisha Ramadan degmooyinka xeebaha dhaca Xamar-weyne & Kismaayo  oo ka kala tirsan goballada Benaadir & Jubbada-Hoose.

Tartameyaasha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar-weyne ay heleen waxay noqotay 4- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar  su’aal, mana jirin wax su’aal oo ay ka faa’ideysteen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay  8-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Xamar weyne ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benadir waxaa habeen dambe  foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Boosaaso & Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waana habeenka ugu dambeeyo  wareegga labaad ee tartanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...