Kaxda oo ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad ee tartan aqooneedka

Date:

Muqdisho (SNTV)– Habeenkii xalay ahaa waxaa foodda is daray  tartamayaasha degmooyinka Kaxda iyo Xamar-jajab oo ka wada tirsan gobalka Benaadir, waxaana ugu horreyn nasiib u yeeshay in lagu bilaabo  weydiimaha tartan aqooneedka bisha Ramadan degmada Xamar-jajab.

Tartameyaasha Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3-su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Kaxda, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar-Jajab ay heleen waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3-  su’aal,  waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay Xamar-Jajab, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay 8- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Kaxda ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir Habeen dambe  waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Kismaayo &  Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Jubbada-Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...