Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo

Date:

Baydhabo(SNTV):-– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo ka dhacayo shirka Amniga Qaranka ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo sidoo kale kormeeray Xarunta Warbaahinta Maamulka.

Wasiirka Warfaafinta iyo wacy-galinta Bulshadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha kormeer uu ugu yimid, waxuna sheegay in hadda oo uu yahay Guddoomiyaha Gobolla Banaadir iyo waqtigii uu joogay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyaba uu saaxiib dhow la ahaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Mudane Eng. Yarisow ayaa dhankiisa ku boggaadiyey Wasiirka iyo shaqaalaha Warfaafinta ee Koonfur Galbeed shaqooyinka muhiimka ah ee u hayaan shacabkooda, isagoo xusay in xili walba uu diyaar u yahay gacan siinta Warbaahinta oo laf-dhabar u ah isku xirka iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan aya kulan gaar ah la qaatay Madax Dhaqameedka magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxana ujeedka kulanku ahaa sidii bulshooyinka ku dhaqanka Caasimadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay iskugu xirmi lahaayeen si la iskaga kaashado horumarka iyo wacyigelinta Bulshada maadaama labada Maamul deegaanadoodu isku xiran yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...