aโ€™iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, June 05, 2018โ€”-.. Raโ€™iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirka iyo wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimad Ballaaran u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, loogana baahanyahay wasiirka cusub, kuxigeenkiisa iyo dhamaan howl-wadeennada kale in ay u istaagaan sidii howlaha horyaalla ay guul uga gaari lahaayeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in bulshadeenna ay heestaan dhibaatooyin xoog badan oo ay kamid yihiin abaaro iyo daadad oo mid waliba ay bulshada ku keento barakac, Qaxootinnimo iyo Xoola beel, waxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas wax badan laga qaban karo hadii lees kaashado wasaaradduna ay dawrkeeda qaadato maadaama loo dhisay in arimahaas ay la fal gasho una maareyso sida ugu haboon.

โ€œDalkeenna waxaa dhibaata xooggan ku haya abaaro iyo daadad. Waxaa Muhiim u ah bulshadeenna in laga hor-tago Musiibooyinkaas. Waa in aan ka fakarnaa sidii biyo xireenno loo sameyn lahaa si biyaha dhibaatadooda looga badbaado loogana faaโ€™iideestoโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka Cusub ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamza Siciid Xamza iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, waxa ayna ballan qaadeen in ay xoogga saarayaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyadda weyn ee loo dhiibay si bulshada Soomaaliyeed looga bad-baadiyo Musiibooyinka soo noqnoqday

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...