a’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, June 05, 2018—-.. Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirka iyo wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimad Ballaaran u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, loogana baahanyahay wasiirka cusub, kuxigeenkiisa iyo dhamaan howl-wadeennada kale in ay u istaagaan sidii howlaha horyaalla ay guul uga gaari lahaayeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in bulshadeenna ay heestaan dhibaatooyin xoog badan oo ay kamid yihiin abaaro iyo daadad oo mid waliba ay bulshada ku keento barakac, Qaxootinnimo iyo Xoola beel, waxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas wax badan laga qaban karo hadii lees kaashado wasaaradduna ay dawrkeeda qaadato maadaama loo dhisay in arimahaas ay la fal gasho una maareyso sida ugu haboon.

“Dalkeenna waxaa dhibaata xooggan ku haya abaaro iyo daadad. Waxaa Muhiim u ah bulshadeenna in laga hor-tago Musiibooyinkaas. Waa in aan ka fakarnaa sidii biyo xireenno loo sameyn lahaa si biyaha dhibaatadooda looga badbaado loogana faa’iideesto”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka Cusub ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamza Siciid Xamza iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, waxa ayna ballan qaadeen in ay xoogga saarayaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyadda weyn ee loo dhiibay si bulshada Soomaaliyeed looga bad-baadiyo Musiibooyinka soo noqnoqday

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...