Wasiirro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Yuusuf Afgooye

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan qoyska, ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Sheikh Yusuf Ali Mohamed (Yusuf Afgoi) oo shalay oo taariikhdu ahayd May 28, 2018 ku geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay qoyskiisu ku baxnaaninayeen kadib xanuun la soo gudboonaaday tan iyo bilowgii bishii hore ee April.

Marxuumka oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kana mid ahaa muddooyinkii dambe lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, ayaa dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeyay si nafhurnimo leh oo kalsooni ay ku dheehan tahay.

Intii u dhexeysay 1976 – 2007, waa muddo 31 sano waxa uu ahaa macallin sidoo kale maamule dugsiyo hoose/dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Degmooyinka Afgooye, Wanle weyn, Buur Hakaba iyo Caasimadda Muqdisho.

Intii u dhexeysay 2008-2016 Waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

December 31, 2010 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee aftida gooni isku taagga Koonfurta Suudaan ee ka go’day dalka Suudaan.

Intii u dhexeysay February 07- 25, 2011 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee doorashada madaxtinimo ee Uganda.

Intii u dhexeysay 2014-2016 Isaga oo ah Agaasimaha Waaxda Carabta, ayaa waxa kale oo loo magacaabay Siihayaha xilka Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Intii u dhexeysay 2016-2018 Waxa uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) oo sanadkii 1983 ka qalin jebiyay Kulliyadda Waxbarashada, Qeybta Carabiga iyo Juquraafiga ee Jaamacadda Ummadda, Laanteeda Lafoole, ayaa diblomaasiyadda ka bartay Machadka MIIM ee Pakistan, sidoo kale waxa uu tababaro diblomaasiyadeed ku qaatay dalalka Masar iyo Kenya.

Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 62 sano-jir waxa uu ku dhashay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1956, waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed...