Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Agab lagu dhisayo Masjidka Xarunta W/Gaashaandhiga

Date:

Muqdisho (SNTV)- Agabkan oo Loogu Talagalay qalabeynta Masaajid laga dhisiyo Xarunta Wasaarada Gaashandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorad maanta Waxa uu kala wareegey Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorad) oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu Meel wanaagsan marayo dhismaha Masjidka uu Taliska ka dhisayo Xarunta Wasaaradda Gaashandhigga isgoona kaga Mahadceliyay Xildhibaand Fowsiyo Maxamed Sheekh Sadaqada ay la baxdey.

Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in si dhaqso loosoo gaba gabeeyo Dhismaha Masjidka, uuna si weyn faa’iido ugu yahay Masuuliyiinta iyo Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoona xustay in waxyaabo muhiim ah ay iskugu jiraan agabyada ay maanta wareejisay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal ku bixiyay sidii Xarunta Gaashaandhiga loogu hirgalin lahaa Masaajid ay ku Wada tukan karaan Askarta, Saraakiisha iyo Dhamaan cidkasto oo timaada Xarunta Wasaarada Gaashandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...