Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxmuum Cumar Dhalaxow.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Guddoomiyaha Golaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dhalaxow oo maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

“Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka maanta ayaa iyadoo uu soomanyahay Waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo, Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo, Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono”

INNAA LILLAA WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...