Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Agab lagu dhisayo Masjidka Xarunta W/Gaashaandhiga

Date:

Muqdisho (SNTV)- Agabkan oo Loogu Talagalay qalabeynta Masaajid laga dhisiyo Xarunta Wasaarada Gaashandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorad maanta Waxa uu kala wareegey Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorad) oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu Meel wanaagsan marayo dhismaha Masjidka uu Taliska ka dhisayo Xarunta Wasaaradda Gaashandhigga isgoona kaga Mahadceliyay Xildhibaand Fowsiyo Maxamed Sheekh Sadaqada ay la baxdey.

Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in si dhaqso loosoo gaba gabeeyo Dhismaha Masjidka, uuna si weyn faa’iido ugu yahay Masuuliyiinta iyo Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoona xustay in waxyaabo muhiim ah ay iskugu jiraan agabyada ay maanta wareejisay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal ku bixiyay sidii Xarunta Gaashaandhiga loogu hirgalin lahaa Masaajid ay ku Wada tukan karaan Askarta, Saraakiisha iyo Dhamaan cidkasto oo timaada Xarunta Wasaarada Gaashandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...