Fadaaโisha ay leedahay Bisha Ramadaan ma aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan ka tilmaano qaar ka mid ah fadaaโishaasi.
Wax yaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka, wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale, waxaana ka mid ah fadaaโisha kuwa soo socoda:
1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Saamiwiga ah.
ูุงู ุงููู ุชุนุงูู Ilaaheey waxa uu yiri:-
{ ุดูููุฑู ุฑูู
ูุถูุงูู ุงูููุฐููู ุฃููุฒููู ููููู ุงููููุฑูุขูู ููุฏูู ูููููููุงุณู ููุจููููููุงุชู ู
ูููู ุงููููุฏูู ููุงููููุฑูููุงูู ููู
ูู ุดูููุฏู ู
ููููู
ู ุงูุดููููุฑู ููููููุตูู
ููู ููู
ูู ููุงูู ู
ูุฑููุถูุง ุฃููู ุนูููู ุณูููุฑู ููุนูุฏููุฉู ู
ูููู ุฃููููุงู
ู ุฃูุฎูุฑู ููุฑููุฏู ุงููููู ุจูููู
ู ุงููููุณูุฑู ูููุงู ููุฑููุฏู ุจูููู
ู ุงููุนูุณูุฑู ููููุชูููู
ููููุงู ุงููุนูุฏููุฉู ููููุชูููุจููุฑููุงู ุงููููู ุนูููู ู
ูุง ููุฏูุงููู
ู ููููุนููููููู
ู ุชูุดูููุฑูููู } (185) ุณูุฑุฉ ุงูุจูุฑ
ุ ูุนู ูุงุซูุฉ ุจู ุงูุฃุณูุน ุฑุถู ุงููู ุนูู ุฃู ุฑุณูู ุงููู ุตูู ุงููู ุนููู ูุณูู
ูุงู : ( ุฃูุฒูุช ุตุญู ุฅุจุฑุงููู
ุนููู ุงูุณูุงู
ูู ุฃูู ูููุฉ ู
ู ุฑู
ุถุงู ุ ูุฃูุฒูุช ุงูุชูุฑุงุฉ ูุณุช ู
ุถูู ู
ู ุฑู
ุถุงู ุ ูุงูุฅูุฌูู ูุซูุงุซ ุนุดุฑุฉ ุฎูุช ู
ู ุฑู
ุถุงู ุ ูุฃูุฒู ุงููุฑูุงู ูุฃุฑุจุน ูุนุดุฑูู ุฎูุช ู
ู ุฑู
ุถุงู ) ุฑูุงู ุฃุญู
ุฏ .
2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.
3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.
Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: Waxaan idinku Waajib yeelay soonka; Hadaad tihiin ummadda โNabโi Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudantihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:-Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda. Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi โSoonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambidhaaf, dlammaadkiisna Naarta ayaa laโiska xoreeyaaโ.
KHAYRKA BISH SOON
โข Quraankaa soo Dagay
โข Leylatul Qadar ayaa ku jirta
โข Albaabada cadaabta ayaa la xiraa.
โข Albaabada Jannada ayaa la furaa
โข Sheydaanka la xidhaa
โข Waa bil cibaado badan
โข Gaajada oo laga wada sinnaado
โข Waxay beertaa is jaceyl.
โข Sakada Soonka oo nafta daahirisa.
NOOCYADA SOONKA
โข Bisha Soon (faral)
โข Lix beri shawaal (sunne)
โข Toban beri dul xajih (sunneโ)
โข .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
โข Isniin & Khamiis (sunne)
โข Bil kasta seddex beri (sunne)
SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?
โข Qofkasta.oo Muslim ah
โข Qof qaan gaar ah.,
โข Qof miyir qaba.
โข Qof aan waayeel ahayn.
โข Qofkii caafimaad qaba.โ
1. Dumar aan Uur lahayn
2. Dumar aan ilmo nuujineyn.
3. Dumar aan caado qabin
4. Dumar aan umul aheyn.
5. Qof aan musaafir ahayn.
MAXAA SOONKA JEBIYA?
1. Gaalmada
2. Diinta oo laga baxo lana caayo
3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda.
4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan.
5. Haddii uu isku mudo irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa,
6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
7. Dumarka oo caado ku dhacdo ama umula.
8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno.
9. Haddii uu ula kac u matago.
WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN.
1. Qof soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan.
2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin.
3. Haddii luqluq ku fakado.
4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo.
SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?
1. Dibirada Caloosha.
2. Joojinta Sigaarka iyo dhamaan balwadaha kale
3. Calool xanuunka.
4. Iscaateynta qofka buuran.
5. xanuunka macaanka.
6. Kelyo xanuunka.
7. Wadna xanuun.
8. Gaastiriiga.
9. joojinta cunista qaadka .
Sidaa awgeed waxaynu ku khasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, afka iyo carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana quraan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo.
Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna ciseey dambi dhaafna noo same.
Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, islmarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.
W.D:-C/laahi Ruushย ย ย ย ย ย ย ย ย ย WQ:Hamdi Abdullahi
Xigasho: Dalka Journal