Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.

Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.

Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...