Guddoomiye Yariisoow oo xarigga ka jaray qayb ka mid ah Isbitaalka Deyniile

Date:

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa Maanta si wadajir ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Soollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka holwlaha caafimaad u yimmaadda halkaasi.

Munaasabadda xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan; Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane ; Cabdullaahi Xaashi, iyo xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka Gacanta ku haya Isbitaalka guud ee Degmada Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....