Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Bariga Afrika oo wada hadlay

Date:

(Muqdisho, 14 Maajo 2018) – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bankiga Adduunka oo ay Hoggaamineysey Madaxa Bariga Afrika. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo Bangigu ka fuliyo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay iyadoo laga faa’iideysanayo horumarka dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Caasimadda ee soo hagaagay ay lagama maarmaan tahay sameynta mashaariic waxtar leh, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan ugana helaan fursado shaqo.

Dhinaca kale Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Marwo Bella Bird ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka Benaadir soo dhaweynta loogu sameeyey Caasimadda dalka, waxayna sheegtay in Bangiga Adduunku sii xoojin doono taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...