Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Amiirka Qatar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay fiidkii gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la qaato amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxweynaha ayaa hoteelka uu deggan yahay ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Qatar Cabdiraxmaan Bin Jaasim Althani oo booqasho sharafeed ugu tagay madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho labo cisho ah ku jooga Qatar, waxaana safarkiisa ku wehliyoa wasiirrada Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Caafimaadka Fowsiyo Abiikar iyo Wasiiradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac.

Wasiirrada Madaxweynaha wehliya ayaa iyaguna kulammo la qaadan doona dhiggooda dalka Qatar, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...