Alshabaab lagu laayay Hiiraan

Date:

In ka badan 15 ka mid ah maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa lagu dilay dagaal iyaga iyo dadka deegaanka ku dhex maray gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka oo is abaabulay ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dagaal kula jiray maleeshiyada Alshabaab oo ay khasaare xooggan u geysteen.

Goob joogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Alshabaab jab xooggan loogu geystay deegaano ka tirsan Hiiraan, gaar ahaan agagaarka Bulo Burte, halkaas oo maleeshiyaad badan looga dilay, gaadiidna looga gubay.

Waxaa sidoo kale khasaare ka soo gaaray kooxda argagixisada ah dagaal ka dhacay meel ku dhow Moqokori.

Alshabaab ayaa isku dayay xoolo baad ah ka qaataan dadka deegaanka, oo ka gadooday xad gudubyada iyo dhaca joogtada ah ee lagu hayo hantidooda.

Goobo dhowr ah oo ay Alshabaab dalka kaga harsan yihiin, ayay dadka deegaanku bilaabeen in ay dagaal hubeysan kala hor yimaadaan, ka dib markii ay garowsadeen in maleeshiyadan argagixisada ahi tahay midda nolosha iyo horumarka ka hor taagan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle...

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...